Home / Cayaaro / Chelsea oo albaabka u furaysa bixitaanka Tiemoue Bakayoko

Chelsea oo albaabka u furaysa bixitaanka Tiemoue Bakayoko

Himilo –Monaco ayaa weli wadahadalo kula jirta Chelsea oo ku aadan saxiixa ammaahda ah ee Tiemoue Bakayoko, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Bakayoko, oo ugu soo biiray Blues aduun dhan 40 milyan ginni oo uga soo dhaqaaqay kooxda Ligue 1 laba sanno ka hor, ayaa la filayaa inuu xagaagan ka tago Stamford Bridge.

25 jirkan ayaan wali kasoo muuqan kooxda Frank Lampard xilli cayaareedkan kaddib markii uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ammaah kusoo qaatay kooxda AC Milan, kooxda Premier League-ga ayaa la sheegay inay doonayso inay ka saarto buugaagteeda xiddigan.

RMC ayaa soo warinaya in kooxda Monaco ay wali wadahadalo kula jirto xiddiga reer France iyaga oo doonaya inay ku daraan xiddig khadka dhexe safkooda ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xirmin 2-da bisha September.

kooxda Ligue 1 ka dhisan ayaa ka baaraandegaysa suurtagalnimada inay ammaah hal xilli ciyaareed ah kula soo saxiixato xiddigoodii hore ee Bakayoko halka ay sidoo kale baacsanayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie.

Bakayoko ayaa wali haysta seddex sanno oo uga harsan qandaraaskiisa Chelsea.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan