Home / Cayaaro / Chelsea oo beddelka Eden Hazard ka arkootay Barcelona

Chelsea oo beddelka Eden Hazard ka arkootay Barcelona

Himilo FM –Xiddiga Barcelona Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Chelsea si uu beddel ugu noqdo xiddiga diiradda u saaran Real Madrid ee Eden Hazard.

Helitaanka beddelka ma fududa laakiin Telefoot ayaa ku warameysa in kooxda galbeedka London ay soo qaadato xiddigan.

Chelsea ayaa aaminsan in Coutinho uu wax badan u qaban karo haddii uu ku soo laabto  horyaalka Premier League, kaasi oo Barcelona kusoo biiray bishii Janaayo 2018.

Haddii ay seegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil, waxaa warbixinta lagu sheegay in Maurizio Sarri uu u weecan doono weeraryahanka Lille ee Nicolas Pepe.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan