Home / Cayaaro / Chelsea oo daawasho u gashay bartilmaameedka kooxda Barcelona

Chelsea oo daawasho u gashay bartilmaameedka kooxda Barcelona

Himilo FM –Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay daawatay da’yarka weerarka ka ciyaara ee Alexander Isak horraantii bishan.

Isak ayaa lala xiriiriyay dhowr kooxood ka hor inta uusan ku biirin kooxda Borussia Dortmund bishii January 2017.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay hal gool 13 kulan oo uu u saftay Dortmund ka hor inta uusan ku biirin kooxda reer Dutch ee Willem si ammaah bishii Janaayo.

19 jirkan ayaa 11 gool u dhaliyay 11 kulan oo uu u saftay Eredivisie qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkan 2018-19, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in Barcelona ay ka fiirsaneyso inay xagaagan ay u dhaqaaqdo.

Sida laga soo xigtay The Mirror, inkastoo Chelsea ay daawatay goolkii weeraryahanka Willem II ee Ajax horraantii bishan, Blues ayaa haatan raadineysa horumarka laacibkan oo afar jeer kasoo muuqday xulka Sweden.

Kooxda Premier League ayaa haatan sugeysa inay oggaato haddii ay ku guuleysteen racfaan ay ka qaateen ganaax labo sanno ah oo ay ku soo rogtay FIFA.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan