Himilo – Chelsea ayaa la soo wariyay inay u dhaqaaqi karto weeraryahanka kooxda Ajax Hakim Ziyech suuq furanka xagaagan.
Kooxda ayaa la filayay inay xoojiso safkeeda suuq furankii bishii Janaayo markii meesha laga saaray xannibaadii ka heysatay suuqa.
Tababare Frank Lampard ayaa la rumeysan yahay in uu xoogga saari doono suuq furanka xagaagan inkasta oo marka la fiiriyo Evening Standard, Ziyech uu noqon karo cayaaryahannada diiradda u saaran.
26 jirka ayaa kaalin weyn ka qaatay guushii kooxda Ajax oo gaartay semi-finalka Champions League isaga oo dhaliyay 21 gool islamarkaana caawiyay 24 kale dhammaan tartamada oo dhan.
Cayaaryahanka reer Moroco ayaa sidoo kale sameeyay bandhig wanaagsan xilli cayaareedkan isaga oo dhaliyay siddeed gool 29 kulan oo uu saftay.
Lampard ayaa la tilmaamayaa in uu heysto adduun dhan £150 Milyan oo uu ku bixinayo cayaaryahanno cusub xagaaga soo socda.