Home / Cayaaro / Chelsea oo diiday dalab ay Crystal Palace ku dooneysay daafac

Chelsea oo diiday dalab ay Crystal Palace ku dooneysay daafac

Himilo – Chelsea ayaa iska diiday dalab 20 milyan oo ginni ah oo ka yimid Crystal Palace oo ay ku doonayeen xiddiga ka soo aflaxay Akadeemiyadda kooxda  Reece Jamesoo ay u arkeen inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah mustaqbalka.

19 jirkan ayaan weli u ciyaarin Chelsea laakiin waxa uu ku riyaaqay xilli ciyaareed ammaah ah oo uu ku joogay Wigan Athletic xilli ciyaareedkii hore isagoo 45 kulan u saftay.

Crystal Palace ayaa  u aragtay beddelka Aaron Wan-Bissaka kaasoo ugu biiray Manchester United 50 milyan ginni.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Star, Chelsea ayaa diiday dalabka laga keenay James iyagoo doonaya inay xilli ciyaareedkan haystaan, taasoo ka dhigeysa inay awoodi waayeen inay la soo wareegaan ciyaaryahan kaddib markii ganaax ay saartay FIFA.

James ayaa dhaawac soo gaaray  intii uu u ciyaarayay England U20s kulankii ay la ciyaareen Chile ee Toulon bishii June, waxaana lagu qasbay inuu qaliin maro si loo xaliyo dhibaatada.

Taas macnaheedu waa inuu seegi doono billowga xilli ciyaareedka, inkastoo Chelsea ay rajeyneyso inuu diyaar u noqon doono bisha September.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan