Home / Habka-Nolosha / Chelsea oo doonaysa Danny Drinkwater.

Chelsea oo doonaysa Danny Drinkwater.

Muqdisho – Chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Leicester City, Danny Drinkwater, sida ay ogaatay Sky Sports.

Xiddiga reer England ayaa ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee kooxda heysata horyaalka Premier League iyada oo dooneysa in ay sida ugu macquulsan ay ugu bedeli karaan Nemanja Matic, kaas oo looga iibiyay Manchester United lacag dhan £ 40m.

Chelsea ayaa horay u soo iibsatay Tiemoue Bakayoko oo ka yimid Monaco, laakiin tababaraha Blueska, Antonio Conte ayaa doonaya saxiixa xiddig kale oo qadka dhexe ah.

Ninka reer Talyaani ayaa  weydiistay Bayern Munich arrimo ku saabsan saxiixa Renato Sanches sidoo kale Drinkwater ayaa  liiska bartilmaameedkiisa ku jira.

Si kastaba, Leicester ayaan jirin cadaadis ay kala kulanto inay iska iibiso Drinkwater taas oo kalsooni ku qabta  inuusan iib ahayn, isaga oo heshiis cusub oo afar sano ah u saxiixay xagaagii hore.

27-sano jirkan ayaa qayb muhiim ah ka ah kooxda Leicester ee  ku guuleystay horyaalkii 2015-16 iyada oo qaab ciyaareedkiisa uu ku kasbaday in  loogu yeero xulka England bishii  March ee 2016-ka.

N’Golo Kante, kaas oo kala garab ciyaarayay Drinkwater khadka dhexe horyaalkii ay  ku guuleysatay Leicester, ayaa ugu biiray Chelsea xagaagii hore lacag dhan £ 30m kaas oo  ku riyaaqay guusha weyn ee Stamford Bridge mar kale ku hantiyay koob.

Ninka Faransiiska waxa uu ahaa xubin ka mid ah kooxda ku guuleysatay League Premier xilli-ciyaareedkii labaad oo isku xiga waxa uu ku guuleystay PFA iyo FWA.

Drinkwater, waxa uu ka mid yahay  bartilmaameedyo kale oo qadka dhexe ee Chelsea ah sida Everton xidigeeda Ross Barkley iyo Arsenal ciyaaryahankeeda  Alex Oxlade-Chamberlain.

Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan