Home / Cayaaro / Chelsea oo dooneysa weeraryahan da’yar ah oo katirsan Everton

Chelsea oo dooneysa weeraryahan da’yar ah oo katirsan Everton

Himilo FM – Everton ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 80 milyan oo ginni ah dul dhigtay weeraryahanka reer Brazil Richarlison, iyadoo ay xiiseyneyaan kooxo badan oo yurub ah.

21 jirkan ayaa si wacan uga dhex muuqday Toffees isagoo dhaliyay 11 gool 28 kulan oo uu saftay, halka sidoo kale uu seddex jeer shabaqa u soo taabtay xulkiisa Brazil ee da’yarta lixdii kulan ee ugu horeysay.

Majaladda Daily Star ayaa sheegaysa in Chelsea, Paris Saint-Germain, Atletico Madrid iyo AC Milan ay dhammaantood isku dayeen ciyaaryahankii hore ee kooxda Fluminense, laakiin Everton ma iibineyso illaa qiimaha ay dalabkooda helayaan.

Richarlison ayaa la fahamsan yahay inuu ku faraxsan yahay Everton, laakiin waxa laga yaabaa in uu isbedel yimaado.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan