Home / Cayaaro / Chelsea oo heshiis ka saxiixaysa Thiago Silva

Chelsea oo heshiis ka saxiixaysa Thiago Silva

Himilo – Chelsea ayaa ku dhaw saxiixa daafac dambeedka khibradda leh ee Thiago Silva sida ay tilmaamayaan warbixinno soo baxaya.

35 jirka ayaa kooxdiisa PSG ku hoggaamiyay kulankii kama dambeysta ee Champions League oo ay kahor yimaadeen Bayern Munich inkasta laga qaaday koobka.

Silva ayaa hadda ku baxaya suuq xur ah, waxaana si weyn loola xiriiriyay kooxda tababare Frank Lampard kahor ol-olaha 2020-21.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Chelsea ayaa ku dhaw saxiixa cayaaryahanka reer Brazil isaga oo qalinka ku duugaya heshiis illaa June 2021-ka.

Silva ayaa ku dhawaad siddeed sanno ku qaatay PSG isaga oo ka soo muuqday 300 kulan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan