Home / Cayaaro / Chelsea oo ku dalbanaysa 80 milyan oo ginni beddalka Hazard

Chelsea oo ku dalbanaysa 80 milyan oo ginni beddalka Hazard

Himilo FM –Chelsea ayaa  dooneysa inay la soo wareegto xiddiga Bayer Leverkusen Leon Bailey xagaagan haddii ay maareeyaan  ganaaxooda.

Blues ayaa racfaan ka qaadatay Maxkamadda xalinta khilaafaadka Cayaaraha, waxayna ku rajo weyn tahay in ganaaxa Fifa ay ku soo rogeyso ciyaartoyda la hakin doono inta lagu jiro racfaan qaadashada.

Chelsea ayaa muddo dheer lala xiriirinayay Bailey, waxaana ay dib u soo nooleeyeen xiisaha ay u qabaan 21 jirkan sida ay qortay Daily Mail.

Bailey ayaa lagu qiimeeyaa qiyaastii 80 milyan oo ginni , waxaana uu noqon doonaa saxiixii ugu qaalisanaa aebid Chelsea.

Kooxda ayaa u baahanaysa  weeraryahan cusub kaddib markii ay ka iibisay Eden Hazard Real Madrid. Hazard ayaa la xaqiijiyay isbuucaan in uu ka tagay.

Chelsea waxay dooneysaa ciyaaryahanno da ‘yar oo garbaha uga dheela, waxaana ay aaminsan yihiin in Bailey uu ku habboon yahay booskaas, inkastoo xilli ciyaareed adag uu ku qaatay  Jarmalka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan