Chelsea oo ku dalbanaysa 80 milyan oo ginni beddalka Hazard

Himilo FM –Chelsea ayaa  dooneysa inay la soo wareegto xiddiga Bayer Leverkusen Leon Bailey xagaagan haddii ay maareeyaan  ganaaxooda.

Blues ayaa racfaan ka qaadatay Maxkamadda xalinta khilaafaadka Cayaaraha, waxayna ku rajo weyn tahay in ganaaxa Fifa ay ku soo rogeyso ciyaartoyda la hakin doono inta lagu jiro racfaan qaadashada.

Chelsea ayaa muddo dheer lala xiriirinayay Bailey, waxaana ay dib u soo nooleeyeen xiisaha ay u qabaan 21 jirkan sida ay qortay Daily Mail.

Bailey ayaa lagu qiimeeyaa qiyaastii 80 milyan oo ginni , waxaana uu noqon doonaa saxiixii ugu qaalisanaa aebid Chelsea.

Kooxda ayaa u baahanaysa  weeraryahan cusub kaddib markii ay ka iibisay Eden Hazard Real Madrid. Hazard ayaa la xaqiijiyay isbuucaan in uu ka tagay.

Chelsea waxay dooneysaa ciyaaryahanno da ‘yar oo garbaha uga dheela, waxaana ay aaminsan yihiin in Bailey uu ku habboon yahay booskaas, inkastoo xilli ciyaareed adag uu ku qaatay  Jarmalka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan