Himilo FM – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaw dahay dhameystirka saxiixa labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee Zenit St Petersburg Leandro Paredes iyo weeraryahanka Juventus Gonzalo Higuain.
Blues ayaa la filayaa inay dhameystirto heshiiskii amaahda ahaa ee uu kaga imanayay Juve Higuain, kaasoo qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan ku qaatay AC Milan.
Sida laga soo xigtay jariiradda The Express, Paredes ayaa aad ugu dhaw Chelsea oo qarka u saaran inay 31 Milyan oo ginni kaga hesho Zenit 24 jirkan.
Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay 26.8 Milyan oo ginni ka soo diiday kooxda reer Russia horraantii bishan laakiin dalabkooda labaad ayaa ku dhaw inay ku soo xero geliyaan Zenit £ 36milyan.
Paredes ayaa loo arkaa bedelka tooska ah ee Cesc Fabregas, waxa uu ka soo ciyaaray Serie A gaar ahan kooxda Roma kahor inta uusan ku biirin Zenit bishii July 2017.