Home / Cayaaro / Chelsea oo ku dhaw saxiixa goolhaye Andre Onana

Chelsea oo ku dhaw saxiixa goolhaye Andre Onana

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaw dahay saxiixa goolhayaha kooxda Ajax Andre Onana.

Iyada oo uu Kepa Arrizabalaga sameeyay khaladaad waaweyn xilli cayaareedkan, Frank Lampard ayaa ka saaray shaxda kooxda koowaad.

Madaxa kooxda Chelsea ayaa la tilmaamayaa in uu qiimeynayo dhowr go’aan iyada oo ay soo baxeen warar sheegaya in uu u dhaqaaqi karo goolhayaha Burnley Nick Pope.

Si kasta, Voetbal Nieuws ayaa soo jeedinaysa in Chelsea ay diyaar u tahay inay £34 Milyan ku dalbadaan goolhaye Onana.

Cayaaryahanka 23 jirka ah ayaa wakhti wanaagsan ku qaatay kooxda reer Holland isaga oo ka soo muuqday 155 kulan kana caawiyay kooxda inay gaarto semi-final-ka Champions League.

Warbixinnada qaar ayaa tilmaamaya in Chelsea ay tartan adag kula jirto kooxaha Tottenham Hotspur, Barcelona iyo Paris Saint-Germain marka ay joogto saxiixa goolhayaha reer Cameroon.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan