Home / Cayaaro / Chelsea oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Pau Torres

Chelsea oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Pau Torres

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro cayaaryahanka kooxda Villarreal ee Pau Torres.

23 jirka ayaa kamid ah daafacyadda ugu muhiimsan ee Villarreal isaga oo ka soo muuqday 29 kulan oo La Liga ah.

Torres ayaa wali heysta muddo afar sanno ah oo ka hartay qandaraaskiisa balse waxaa la rumeysan yahay in qaab-cayaareedkiisa ay ka heleen kooxo badan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Chelsea ayaa si lamid ah Arsenal, Man United, Man City iyo Barcelona dooneysa laacibka da’da yar.

Tababaraha Chelsea ayaa goor sii horreysay ku daray Ziyech iyo Timo Werner liiska laacibiinta Chelsea kahor ol-olaha 2020-21

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan