Home / Cayaaro / Chelsea oo kula biirtay Liverpool iyo Napoli loolanka loogu Sander Berge

Chelsea oo kula biirtay Liverpool iyo Napoli loolanka loogu Sander Berge

Himilo- Waxaa jira tartan adag oo loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Genk Sander Berge iyadoo Chelsea ay kula biirtay Liverpool iyo Napoli tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe.

21-jirkan ayaa qaab ciyaareed qatar ah ku soo qaatay qadka dhexe ee Belgium iyo Norway labadii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna si rasmi ah ugu bilaabanayay kulamada naadiga iyo wadankaba.

Berge wuxuu la ciyaaray Liverpool iyo Napoli koobka Champions League xagaagan wuxuuna ku filnaaday inuu isha ku hayo labada koox ee Ingariiska iyo Talyaani ee ka soo horjeeday.

Shabakada Goal ayaa soo warinaysa in Chelsea ay sidoo kale aad u daneynayaan qadka dhexe isla markaana ay isha ku hayaan isbadal kasta oo ku dhaca xaaladiisa Genk.

Blues ayaa wali ku jirta xayiraad suuqa kala iibsiga haatanna ma awoodo inay la soo wareegaan ciyaartoy bisha Janaayo, laakiin tani waa laga yaabaa inay is bedesho.

Berge ayaa keliya 18 bilood uga hartay qandaraaskiisa waxaana la filayaa inuu ka tago Genk mid ka mid ah labada daaqadood ee suuqa kala iibsiga soo socda.

Haddii Chelsea aysan ku guuleysan in xayiraada laga qaado ka dib Liverpool ama Napoli ayaa xadayn karaysa wadadii ay kula wareegi lahaayeen Norweygan  bisha Janaayo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan