Home / Cayaaro / Chelsea oo Man Utd kula biirtay tartanka loogu jiro Coutinho

Chelsea oo Man Utd kula biirtay tartanka loogu jiro Coutinho

Himilo FM –Kooxaha Chelsea iyo Man Utd ayaa ku dagaalamaya weeraryahanka kooxda Barcelona Philippe Coutinho xagaagan marka uu furmo suuqa kala gadashada ciyaartoyda.

Coutinho ayaa Barca kaga soo biiray Liverpool bishii Janaayo 2018. laacibkan ayaa dhaliyay 19 gool 63 kulan oo uu kasoo muuqday kooxda Spanishka dhammaan tartamada.

26 jirkan ayaa aad ugu dhibtooday garoonka Camp Nou, si kastaba ha ahaatee laacibkan ayaa saaxiibbadiisa qaranka Brazil u sheegay in uu doonayo in uu ka hayaamo Barcelona.

Sida ay werisay Daily Express, United-ka ayaa u muuqata mid heli karta kubad naqshadeeyahan balse Red Devils ayaa tartan kala kulmeysa kooxda Chelsea.

Blues ayaa hadda dareemeysa dhibaato ganaax oo aysan kusoo qaadan karin ciyaartoy cusub, laakiin waxay isku deyi doonaan inta ganaaxa uu jiro inay gorgrotan badan la galaan laacibkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan