Home / Cayaaro / Chelsea oo qiimo lacageed dul-dhigtay N’Golo Kante

Chelsea oo qiimo lacageed dul-dhigtay N’Golo Kante

Himilo – Chelsea ayaa ku qiimeysay cayaaryahankeeda khadka dhexe N’Golo Kante adduun dhan £80 Milyan.

Cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka ayaa wakhti wanaagsan ku qaatay Stamford Bridge isaga oo ku guuleystay horyaalka Ingiriiska, Europa League, iyo FA Cup afartii sanno ee uu la joogay Blues.

Si kasta, inkasta oo uu ka soo muuqday 164 kulan, 29 jirka ayaa dhowr mar aan la safin sabab la xiriirta dhaawacyo.

Qandaraaska Kante ee Chelsea ayaa waxaa ka harsan muddo seddex sanno ah, taasi oo siineysa Chelsea kalsoonida ah inay ku hesho laacibka lacagta ay dalbanayso.

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu taageeray in maamulka Real Madrid u dhaqaaqo khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante.

Los Blancos ayaa la soo warinayaa inay suuqa ugu jirto khad dhexe la cayaara Casemiro billowga xagaaga soo socda.

Madrid ayaa goor sii horreysay ku guuldareystay inay la saxiixato Kante balse hadda ayuu diiradda u saaran yahay sida laga soo xigtay warbaahinta Spain.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan