Home / Cayaaro / Chelsea oo qorsheyneysa u dhaqaaqida Josh Maja

Chelsea oo qorsheyneysa u dhaqaaqida Josh Maja

Himilo- Chelsea ayaa u aqoonsatay weeraryahanka kooxda Bordeaux Josh Maja inuu yahay mid macquul ah saxiixiisa  bisha Janaayo.

Iyadoo haatan loo ogolaaday Blues inay sameyaan suuq gal  inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga Janaayo, xiddigo badan oo magac sare leh ayaa lala xiriirinayaa inay u wareegayaan Stamford Bridge.

Si kastaba, sida laga soo xigtay 90 min, kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso Maja, kaasoo bishii Janaayo ka tegay kooxda Sunderland si uu uga mid noqdo Naadiga  ka ciyaarta horyaalka Ligue 1.

20-sano jirkan ayaa ku riyaaqay olole wax soo saar leh, isagoo gacan ka geystay shan gool labo kalena caawiye ka noqday 16 kulan oo uu saftay horyaalka France.

Iyadoo 11 ka mid ah kulamadaas ay ku yimaadeen kursiga keydka markii looga yeeray, magaca da ‘yarka ayaa sii koray, taasoo ka dhigtay bartilmaameed dabiici ah si dib loogu soo celiyo England.

Maja, oo 16 jeer shabaqa soo taabtay 31 kulan oo uu u saftay kooxda Sunderland, ayaa weli qandaraaskiisa uga harsan seddex sano iyo bar.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan