Home / Cayaaro / Chelsea oo rajo ka qabta inay u kordhiso qandaraaska Willian iyo Pedro

Chelsea oo rajo ka qabta inay u kordhiso qandaraaska Willian iyo Pedro

Himilo – Chelsea ayaa ku guda jirta wadahadallada cayaaryahannada Willian iyo Pedro si ay uga saxiixdo heshiisyo muddo kordhin aan badneyn.

Iyada oo qandaraasyada cayaaryahannada la filayo inay dhacaan dhammaadka bisha June, waxaa la filayaa in labada laacib  ka tagaan garoonka Stamford Bridge iyaga oo ku baxaya heshiis xur ah.

Si kasta, saxafiga The Telegraph ee Matt Law ayaa soo warinaya in Chelsea wali rajo ka qabto inay heshiisyo la gaarto cayaaryahannada muhiimka u ah.

Tababare Frank Lampard ayaan dooneyn inay yaraadaan laacibiinta safka koowaad ee kooxdiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan