Himilo –Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay u soo bandhigto Emerson Palmieri heshiis cusub oo Stamford Bridge uu la galo.
25 sanno jirkan ayaa Blues kaga soo biiray kooxda Roma bishii Janaayo 2018 wuxuuna ka carreysiiyay Marcos Alonso inuu noqdo daafaca biddix ee kooxda koowaad ee hoos yimaada Frank Lampard.
Emerson ayaa wali wax ka yar seddex sanno uu uga harsanyahay qandaraaskiisa Chelsea, laakiin sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Italy ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub ka helo caasimadda Ingiriiska.
Warbixinta ayaa sheegeysa in daafaca loo gacan galin doono mushahar kordhin, iyadoo mushaarkiisa uu ka kici doono 3.5 milyan lana gaarsiin doono ilaa £ 4.5m oo lagu daray gunnooyin.
Xiddiga ku dhashay Brazil ayaa Ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah afartii kulan ee kooxdiisu ay ciyaartay billowga ololaha 2019-20, marka lagu daro 120 daqiiqo oo UEFA Super Cup.
Blues ayaa ku soo laaban doonta Premier League iyadoo u safrayso Wolverhampton Wanderers 14-ka Sebtember.