Home / Habka-Nolosha / Chelsea oo wali xiiseyneysa laacibka Everton ee Barkley

Chelsea oo wali xiiseyneysa laacibka Everton ee Barkley

Muqdisho – Naadiga Chelsea ayaa weli xiiso u qabta ciyaaryahanka kooxda Everton ee Ross Barkley, waxaana ay isku diyaarinayaan dalab kale oo ay ku doonayaan ciyaaryahankan khadka dhexe, sida ay qortay Daily Mail.

Blues ayaa seegtay Barkley sanadkii dhamaaday markii laacibku uu go’aansaday in uu kalaabto heshis horu-dhac ah oo uu la galay kooxdan kahor tijaabadii caafimaadka.

sidoo kale waxaa la rumeysan yahay inuu ku dhawaaday ku biirista naadiga  Tottenham xagaagii dhamaaday, laakiin Mail ayaa sheegeysa in kooxda Antonio Conte aysan markaan dayici dooni 24 jirkaan.

Kooxda Everton ayaa sanadkan ku bilaabatay qaab liita mar loo fiiryo horyaalka Ingriiska Ross Barkley ayaana laga yaabaa in taasi u dadajiso ku biirista kooxda ka dhisan caasimadda England ee Blues.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan