Home / Macluumaad / Chile: Raad la helay oo noqday mid bini’aadam

Chile: Raad la helay oo noqday mid bini’aadam

Himilo FM – Seynisyahano ku nool Chile ayaa daaha ka qaaday in raad laga helay koonfurta dalkaasi 9 sanno kahor uu yahay raad bini’aadam oo da’diisu tahay 15 kun iyo 600 sanno.

Raadka bini’aadam ayaa noqonaya kii ugu faca weynaa nuuciisa ee laga helo labada qaarood ee Ameerika.

Wargeyska arrimaha seyniska ee PLos One ayaa shaaciyay in seynisyahanada ka shaqeynayeen inay oggaadaan heybta raadka iyo da’diisa sanadihii ugu danbeeyay.

Waxa uu intaa raaciyay in khubarada u soo baxday in raadka yahay raad bini’aadam iyaga oo xaqiijiyay in uu noqon karo midkii ugu faca weynaa taariikhda qaaradaha Ameerika.

Koox katirsan jaamacadda Antarctic University ee dalka Chile ayaa tilmaamtay in raadka la helay oo cabbirkiisu yahay 23 Sentimitir uu yahay raadka qof qaangaar ah.

Karin Morino oo ku taqasustay  Biology-ga ayaa xustay in raadka uu tusaale u yahay in uu bini’aadam ku noolaa qaaradda kahor kahor 16 kun oo sanno.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan