Home / Macluumaad / Ciidamada Muslimiinta Maraykanka oo loo ogolaaday deysiga garka

Ciidamada Muslimiinta Maraykanka oo loo ogolaaday deysiga garka

Washington – Muslimiinta Maraykanka ee katirsan ciidamada kala duwan ee US ayaa hadda kadib loo oggolaanayaa inay garka deystaan – sidoo kalana ay xiran karaan xijaabka wax-yar kadib markii lagu dhawaaqay xeer cusub.
“Hadafkeenna ayaa ah inaan ciidamadeenna si mid ah ugu fufudeyno gudashada iyo muujinta astaamahooda diimaha ay aaminsan yihiin,” ayuu ku yiri Lieutenant Colonel Randy Taylor warbixin ay ka qortay Reuters.
Muslimiinta iyo Sikh-ga waxay hadda kadib awoodi doonaan inay deystaan garkooda. Halka gabadha Muslimadda ahna ay xijaabkeeda ku xiran doonto gudaha shaqadeeda maalinlaha ah. Badi gabdhaha Muslimiinta ah ee katirsan ciidamada Maraykanka ayaa ku jira booliska iyo taraafikada.
Xijaabka ayaa qaadan doono dherer aan ka badneyn 2 inch ugu yaraan.
Sharcigan cusub waxaa soo dhaweeyey guddiga ugu weyn diinta Sikh-da ee ku nool US.
Raga Muslimiinta iyo Sikhiga ah waxaa loo oggolaan doonaa inuu garkoodu gaari karo dherer dhan 1.27 cm – si ayay yiraahdeen loo helo tira-yarta diimahan ku jira inay qeyb kasoo noqdaan shaqada iyo waajibaadka ciidamada Maraykanka.
Deysiga garka ayaa ah Sunno Suubaha NNKH uu ku bogaadiyay Muslimiinta.
Geesta kalana, Islaamka ayaa xirashada xijaabka u arka hab labiseed sharci ah mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan