Himilo-Aqoonyahanada cimilada waxay sheegeen in sanadka 2023-ka uu yahay sanadkii ugu kululaa ee ladiiwaan galiyo, afarta bil ee sanadka ugu kululeed waxay noqdeen bilaha September. June, July, iyo August ee 2023.
Hey’ada lasocodka isbadalka cimilada warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay kuleelka oogada dhulka in uu gaaray 16.38°C bishii September. kuleelka oogada dhulka ka jira waxa uu sare u gacay 0.93°C celcelis ahaan intii u dhaxeyse 1991 illaa 2020 bisha September.
0.5°C ayuu kuleelka dhulku ka saro maray meeshii ugu sareye ee uu joogay sanadkii 2020 oo ahaa 1.75°C
Sarra u kaca heerkulka dhulka waxaa loo aaneynayaa isbadalka cimilada oo ay sababeen bini’aadamka, hawada ka jirta badaha iyo dabeesha El Nino oo meelo badna oo caalamka ah ku dhufatay.
El Nino waa dabeylo aan joogto aheyn taa oo dhacda 2-7 sanaba mar, waxay sababtaa oogada dhulka iyo biyaha badda Pacific oo qalala.
Isbadalka cimiladu waa heerkulka meeraha oo si joogto ah u kululaada iyo biyaha badda oo sara u kaca.