Home / Arrimaha Bulshada / Ciraaq: Aabe u guuriyay wiilkiisa oo 11 jir ah!

Ciraaq: Aabe u guuriyay wiilkiisa oo 11 jir ah!

Himilo FM –Arooska 11 jirka ayaa dood kulul ka dhaliyay baraha bulshada dalka Ciraaq iyadoo dad badan ka soo horjeesteen halka kuwa kale ku maadeysteen inkastoo inyar boggaadiyeen guurka iyaga oo ku tilmaamaya arrin caadi ah oo bulshada la nooleyd muddo dheer.

Wiilka 11 jirka ah ee Sajaad Cakili ayaa waxaa u bilaabaneysa nolol cusub isaga oo aan dhammeyn dugsiga hoose, waxa uu galayaa imtixaanka guurka.

Inkastoo aabaha dhalay uu gaabsaday haddana waxa uu hadalkiisa ku soo koobay in sannadkan uu yahay sannadka nolosha islamarkaana uu ku farxayo arooska wiilkiisa.

Carruurta saaxiibbadii ah ayaa la tilmaamay inay si weyn uga qeyb galeen arooska Sajaad oo ka dhacay dalka Ciraaq. Waxaa laga baqdin qabaa in arooska uu fure u noqdo guurka xilliga hore ee carruurta.

Dood kulul ayaa gilgishay baraha bulshada iyadoo dadweynaha ka dhiibteen faallooyin kala duwan oo iska soo horjeeda.

Dad badan oo reer Ciraaq ah ayaa si weyn uga horyimid guurka 11 jirka iyagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo aan loo dulqaadan karin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan