Home / Arrimaha Bulshada / Ciraaq: Gabar lagu mehriyay inka badan 1 Milyan oo doolar

Ciraaq: Gabar lagu mehriyay inka badan 1 Milyan oo doolar

Himilo FM –Rana Jamaal oo ah gabar u dhalatay dalka Ciraaq ayaa bog cusub looga qoray taariikhda dalkaasi kaddib markii lagu mehriyay 2 Bilyan oo Diinaarka dalka Ciraaq ah islamarkaana u dhiganta 1.7 Milyan oo doolar.

Dukumenti ah la xiriira guurka islamarkaana si qarsoodi ah loo helay ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

Qiimaha meherka guurka oo ka dhacay gobalka Karbala ee koonfurta Ciraaq ayaa si weyn loogu dhaliilay shabakadaha xiriirka bulshada.

Inta badan dadka ka dhiibtay faallooyinka ayaa tilmaamay in dhallinyarada qaar aysan awoodin inay bixiyaan meher caadi ah iyaga oo kororka meherka ku tilmaamay inay tahay arrin gabdhaha ka dhigeysa kuwa aan la guursan.

Tirakoobyo dhawaan la sameeyay ayaa muujiyay in haweenka Ciraaq ay ku jiraan kaalinta seddexaad ee dalalka Carabta ee haweenkooda ka daahaan da’da guurka.

Xuseen Diiwaani oo kamid ah da’yarta Ciraaq ayaa ku tilmaamay kororka qiimaha meherka mid aan la aqbali karin marnaba.

“Waan aamini la’ahay waxa dhacaya, meherka waa xuquuq gabadha leedahay laakiin ma ahan inuu gaaro heerkan.”

Mr Diiwaani oo sii hadlay, waxa uu ka digay in da’yar badan ka weecan karaan guurka haddii aan waxba laga qaban kororka meherka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan