Home / Arrimaha Bulshada / Ciraaq: Wiil sheegay in la afduubtay si uu madax furasho uga qaato aabihii

Ciraaq: Wiil sheegay in la afduubtay si uu madax furasho uga qaato aabihii

Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa naftiisa ka been sheegay isaga oo tilmaamay in la afduubtay, waxaana waalidkiisa uu ka dalbaday madax furasho qiimaheeda uu la egyahay 100 kun oo doolar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq Sacad Mucin ayaa xusay in Aabe ku nool magaalada caasimadda ah ee Bakhdad uu soo gaarsiiyay in wiilkiisa la afduubtay.

Waxa uu intaa raaciyay afhayeenka in baaritaan dheer kaddib la oggaaday halka uu joogo wiilka loona tagay.

Booliiska ayaa caddeeyay in uusan wiilka la kulmin fal afduub ah balse uu doonayay keliya inuu lacag 100 kun oo doolar ah ka qaato aabihii.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq laguma shaacin magaca wiilka ka been sheegay naftiisa iyo tallaabooyinka laga qaaday.

Daariq Xarbi oo ah khabiir ku taqasusay sharciga ayaa sheegay in falka uu sameeyay wiilka uu hoos tagayo qoddobka 456aad ee sharciga ciqaabta Ciraaq isaga oo xusay inuu muteysan karo xabsi dhan 5 sanno oo xarig ah hase ahaatee aabaha ayaa xaq u leh inuu cafiyo wiilka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan