Home / Cayaaro / City vs Madrid, maxaa laga filan karaa kulanka Caawa?

City vs Madrid, maxaa laga filan karaa kulanka Caawa?

Kooxaha Man City iyo Real Madrid ayaa caawa ku ballansan tartanka Champions League oo maraya dhamaadka.

City waxaa ay booqaneysaa Madrid iyada oo tododbaadkii hore uun la wareegtay hoggaanka Horyaalka Premier League.

Waxaa ay dooneysaa in ay noqoto kooxdii labaad ee Ingiriis ah kuna guuleysata Horyaalka, FA Cup iyo Champions League, kaliya Kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man United ayaa sidaas sameysay sanadkii 1999kii.

Madrid oo kaalinta 3aad uga jirta Laliga,waxaa ay Sabtigii hanatay Koobka Boqorka ee Copa del Rey , waxaa ay 14 dhibcood ka hooseysaa kooxda ugu cadcad Horyaalka ee Barcelona.

Real waxa ay horay u soo garaacday Kooxaha Ingiriiska labadii sano ee ugu dambeeyay iyo sanadkamba,waxaana ay garaacday Liverpool ,Chelsea iyo City.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan