Horyaalka Kubadda Cagta Qaaradda Europe ee UEFA ayaa soo gaaray afar dhamaadka kaddib markii ay tartanka isaga hareen Kooxaha kala ah Chelsea, Banfica, Napoli iyo Bayern Munich.
Afarta Koox ee isu soo haray ayaa laba ka mid ah ka socdaan Magaalada Milan ee dalka Talyaaniga,waana ay isku aadeen,waxaana kulankaas Champions League ah la mid noqday Darbi Milan.
City ayaa Bayern uga badisay 4-1 celcelis ahaan labada lug, halka ay Real 4-0 uga badisay Chelsea celcelis ahaan labada lug.
Waxaa aad u adag saadaalinta Kooxda qaadi karta tartanka marka la qiimeeyo afarta Koox ee isku soo haray oo ah kuwo aad u adag sanadkan.
Kulamada Kooxahan ayaa la ciyaari doonaa todobaadka 2aad ee Bisha May iyo todobaadka 3aad ee isla Bisha May halka ciyaarta kama dambeysta loo ballan sanyahay Istabuul oo Turkiga ah Taariikhda marka ay tahay 10ka June 2023.