Home / Habka-Nolosha / Ciyaartooyda ugu badan ee kubadaha burburiyey tan iyo markii uu bilaawday xilli ciyaareedkan horyaalka EPL-ka..

Ciyaartooyda ugu badan ee kubadaha burburiyey tan iyo markii uu bilaawday xilli ciyaareedkan horyaalka EPL-ka..

Muqdisho – Horyaalka Premier League ayaa u xiran fasaxa caalamiga ah. Taageerayaashu ma jecla xilligaan, tababarayaashu waxay ku nool yihiin cabsida dhaawacyada iyo in ciyaartoyda ay dhibaatooyin soo gaaraan. Kulamada isreebreebka Koobka Adduunka iyo saaxiibtinimo ayaa loo fasaxan yahay, waxaana dib lais kuugu soo laaban doonaa kadib marka uu ugu badnaan xul waliba soo ciyaaro labo kulan.

Maanta, waxaan diirada saari doonaa tacklers ugu fiican horyaalka Ingiriiska ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

  1. Wilfred Ndidi- 46 tackles

Xiddiga reer Nigeria Wilfred Ndidi ayaa muhiim u ah tababare cusub, sababtoo ah waa ciyaaryahanka ugu muhiimsan qadka dhexe. Waxa uu sameeyay 46 taako si uu uga caawiyo kooxdiisa inay 13 dhibcood ka qaadato 11 kulan.

2=Aaron Mooy- 37 tackles

Huddersfield Town ayaa dhowr isbuuc ka hor 2-1 ku garaacay kooxda Manchester United. Aaron Mooy ayaa ka mid ahaa gool dhaliyeyaasha. Waxa uu sidoo kale sameeye 37 taakal xilli ciyaareedkan si uu kooxdiisii ugu haayo kaalinta 10aad iyagoo leh 15 dhibcood 11 kulan oo ay soo ciyaareen.

2=Pablo Zabaleta- 37 tackles

Manchester City xiddigeedii hore ayaa helay guri cusub oo London ku yaalla lagu magacaabo West Ham United. Pep Guardiola ayaa diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo laacibkan, laakiin Hammers ayaa ku fikiray inuu weli heysto labo sanno oo waayahiisa ah. Argentine-kan ayaa sameeyay 37 taako inkastoo taasi ay suurta galin weysay inuu badbaadiyo shaqadii Slaven Bilic. David Moyes ayaa ayaa lagu badeley wuxuuna macalin u ahaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

  1. Idrissa Gueye- 35 tackles

Everton ayaa guuleysatay markeedii seddexaad ee xilli ciyaareedkan markii ay wajahday Watford, macalin cusub ayaa  loo doortay  kooxda ka dib bilow xun oo uu ku bilowday tababarihii hore ee Ronaldo kuoman, xiddiga khadka dhexe Idrissa Gueye ayaa sameeyay 35 taako.

  1. Dale Stephens- 34 tackles

Kooxda Brighton and Hove Albion oo ah koox dhawaan soo dalacday ayaa 15 dhibcood ka heshay 11 kulan si ay u hesho booska 8aad ee miiska kala sareyna. Dale Stephens oo sameeyey 34 tackles waa qayb ka mid ah sababta ay ay sidaas u sameysay Brighton.

  1. Oriol Romeu – 33 taakuleeyn

Oriol Romeu oo ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee Southampton ayaa sii wata inuu shaqadiisa ka si wanaagsan kaga qabto St Marys. Ciyaaryahanka reer Spain ayaa dib u soo nooleeyay xirfadiisa ka dib markii uu si xun u ciyaarayay tan iyo markii uu u wareegay Chelsea isaga oo ka yimid Barcelona, Waxa uu dhameystiray 33 taako xilli ciyaareedkan si uu uga caawiyo kooxdiisa 13 dhibcood 11 kulan.

  1. Tiemoué Bakayoko – 30 tackles

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee horyaalka Premier League iyadoo leh 22 dhibcood ka dib 11 kulan oo ay ciyaareen. Waxa ay lumiyeen 3 kulan xilli ciyaareedkan, tiradaas oo ay xilli ciyaareedkii hore ku guul darreysteen horyaalka. Isbuucii lasoo dhaafay waxay kaga adkaadeen Manchester United 1-0 garoonka Stamford Bridge si ay ugu soo laabtaan wadooyinka guuleysta.

Tiemoué Bakayoko oo kusoo biiray Blues ayaa si fiican u degay London ka dib markii uu xagaagii lasoo dhaafay uga soo biiray AS Monaco. Waxa uu sameeyay 30 taako xilli ciyaareedkan, isaga oo laba ka badan N’Golo Kanté oo 28 mar sameeye jilaafo. Labada ciyaaryahan ayaa fure u noqon doona kooxda Antonio Conte xilli ciyaareedkan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan