Muqdisho – Laacibka kooxda Liverpool, Mohamed Salah ayaa hoggaanka u haya gool dhalinta horyaalka wadanka Ingiriiska sanadkan wuxuuna booskan si lama filaan ah kaga galay xiddigaha lamabarka sagaalaad ka ciyaara sida; Harry Kane, Sergio Aguero, Alvaro Morata, Romelu Lukaku iyo kuwo kale.
Laacibkii ku guuleystay sanadkii dhamaaday Harry Kane ayaa ku jira kaalinta labaad isaga oo labo gool ka hooseeya xiddiga kooxda City ee Sergio Aguero, Romelu Lukaku oo si layaab leh ku bilawday horyaalka sanadkan ayaa isna dib u dhac sameeyey kulamadii danbe wuxuuna ku jiraa kaalinta lixaad isaga oo leh 8 gool.
Raheem Sterling iyo Alvaro Morata ayaa iyaguna ku jira kaalinta saddexaad waxeyna sagaal gool la wadaagaan xiddiga kooxda City, Sergio Aguero.
Halkan kaga bogo liiska laacibiinta ugu goolasha badan horyaalka Ingriiska Sanadkan.
Kaalinta | Ciyaaryahanka | Kooxda | Goolasha |
1 | Mohamed Salah | Liverpool | 12 |
2 | Harry Kane | Tottenham | 10 |
=3 | Sergio Aguero | Manchester City | 9 |
=3 | Raheem Sterling | Manchester City | 9 |
=3 | Alvaro Morata | Chelsea | 9 |
=6 | Romelu Lukaku | Manchester United | 8 |
=6 | Gabriel Jesus | Manchester City | 8 |
=6 | Alexandre Lacazette | Arsenal | 8 |
=9 | Jamie Vardy | Leicester City | 7 |
=9 | Wayne Rooney | Everton | 7 |
=11 | Anthony Martial | Manchester United | 6 |
=11 | Leroy Sane | Manchester City | 6 |
=13 | Oumar Niasse | Everton | 5 |
=13 | Abdoulaye Doucoure | Watford | 5 |
=13 | Richarlison | Watford | 5 |
=13 | Roberto Firmino | Liverpool | 5 |
=13 | Glenn Murray | Brighton | 5 |
Qore: Abdiaziz Adan Urur.