Home / Habka-Nolosha / Ciyaartoyda Manchester United ee ka qeyb-gali doona koobka Adduunka.

Ciyaartoyda Manchester United ee ka qeyb-gali doona koobka Adduunka.

Muqdisho – Isku-aadka 32-ka dal ee ka qeyb-galaya koobka adduunka ayaa lagu sameeyey hoolka Kremlin Palace ee magaalada Moscow Jimcihii, siddeed guruub ayaa laga dhigay oo mid kasta uu ka kooban yahay  afar kooxood.

Waxaa jira 18 ciyaaryahan oo Reds ah isla markaana ka qeyb-qaadan kara tartanka koobka adduunka ee xagaaga soo socda ka furmi doona Ruushka, iyaga oo kala matali doona toddoba wadan marka la gaaro14ka Juun.

Ingiriisku wuxuu ku jirtaa guruub G. Ciyaartoyda Man Utd ee England matali kara waxaa kamid ah; Chris Smalling, Phil Jones, Jesse Lingard, Marcus Rashford, Ashley Young, Michael Carrick iyo Luke Shaw. Marouane Fellaini iyo Romelu Lukaku ayaa iyaguna matali doona waddanka Belgium oo ku jira Group G, waxaana ku wehliya Tunisia iyo Panama.

Saddexda ciyaaryahan ee David De Gea, Ander Herrera iyo Juan Mata ayaa la filayaa inay matalaan Spain waxeyna ka hortagi karaan xiddigii hore ee United Cristiano Ronaldo. Group B, ayey ku jirtaa La Roja, waxaana ku wehlin doona waddamada Iran, Morocco iyo Burtuqaal.

Xulalka France, waxaa matali kara Paul Pogba iyo Anthony Martial, waxaana ay ku jiraan Group C, Australia, Peru iyo Danmark ayaana ku wehliya.

Argentina, laacibiinta Sergio Romero iyo Marcos Rojo, ayaa rajeynaya inay in ay matalaan. Iceland, Croatia iyo Nigeria ayeyna ku wehlin doonaan Group D.

Dhanka kale, Nemanja Matic ayaa matali doona xulka qaranka Serbia, waxeyna Group E ku wajihi doontaa dalalka Brazil, Switzerland iyo Costa Rica.

Victor Lindelof wuxuu difaaci doonaa Sweden: Group F ayey kaga hor imaanayaan Jarmalka, Mexico iyo South Korea.

Nasiib darro, laacibiinta kale ee kooxda sida Eric Bailly (Ivory Coast), Henrikh Mkhitaryan (Armenia), Antonio Valencia (Ecuador), Daley Blind iyo Tim Fosu-Mensah (Netherlands) Matteo Darmian (Italy) kama soo muuqan doonaan finalka Ruushka.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan