Muqdisho – Horyaalka Ingiriiska ayaa bilaaban doona 11 bisha August ee fooda inagu soo haysa, dhamaan kooxaha ka qeyb-galaya ayaa wada is diyaarin iyo xoojin dhanka ciyaartoyda ah.
Wajiyada ku cusub kooxaha waaweyn ee la daawan doono waxaa kamid ah Romelu Lukaku oo ka tagay Everton isla markaana ku biiray Man Utd, Alexandre Lacazette oo ku biiray Arsenal kana yimid Lyon; Tiemoue Bakayoko iyo Alvaro Morata oo usoo wareegay Chalsea, Mohamed Salah oo isna Liverpool yimid iyo laacibiinta City ee Bernardo Silva, Ederson, Kyle Walker, Danilo iyo Benjamin.
Liiska halkaan hoose kaga bogo:
Arsenal yaa u yimid?
Sead Kolasinac (Qaab xor ah, Schalke)
Alexandre Lacazette (£46.5m, Lyon)
Chelsea yaa u yimid?
Billy Gilmour (£500k, Rangers)
Willy Caballero (Qaab xor ah, Manchester City)
Ethan Ampadu (Lama carabaabin, Exeter City)
Antonio Rudiger (Lama carabaabin, Roma)
Tiemoue Bakayoko (Lama carabaabin, AS Monaco)
Alvaro Morata (£60m, Real Madrid).
Liverpool yaa u yimid?
Dominic Solanke (£3m, Chelsea)
Mohamed Salah (£34m, Roma)
Andrew Robertson (£8m, Hull City).
Man City yaa u yimid?
Bernardo Silva (£42.5m, Monaco)
Ederson (£35m, Benfica)
Kyle Walker (£45m, Tottenham Hotspur)
Douglas Luiz (£10.2m, Vasco Da Gama)
Danilo (£26.5m, Real Madrid)
Benjamin Mendy (£52m, Monaco).
Manchester United yaa u yimid?.
Victor Lindelof (£31m, Benfica)
Romelu Lukaku (£75m, Everton).
Qore: Abdiaziz Aadan Urur.