Himilo – Ciyaaryahannada kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay daneynayaan in laacibka reer Chile Alexis Sanchez la siiyo heshiis joogto ah dhammaadka xilli cayaareedka 2019-2020.
31 jirka ayaa ammaah ugu biiray Inter xagaagii hore laakiin waxa uu ka soo muuqday keliya 5 kulan sabab la xiriirta dhaawac.
Sida illaa iyo immika muuqata, Sanchez ayaa ku laaban doona Man United dhammaadka xilli cayaareedkan balse marka la eego The Telegraph, ciyaaryahanka reer Koonfur Ameerika ayaa sumcad fiican ka heysta ciyaaryahanada Inter Milan oo doonaya in uu sii joogo garoonka San Siro.
Weeraryahanka ayaa heysta inka badan labo sanno oo ka haray qandaraaskiisa Old Trafford oo uu ku qaato mushaar dhan £400,000 toddobaadkii.
Sanchez ayaa ku biiray United bishii Janaayo ee sannadkii 2018 kaddib markii uu wakhti wanaagsan ku qaatay kooxda Gunners.