Home / Cayaaro / Ciyaaryahanada Inter Milan oo doonaya in Sanchez laga saxiixo heshiis joogta ah

Ciyaaryahanada Inter Milan oo doonaya in Sanchez laga saxiixo heshiis joogta ah

Himilo – Ciyaaryahannada kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay daneynayaan in laacibka reer Chile Alexis Sanchez la siiyo heshiis joogto ah dhammaadka xilli cayaareedka 2019-2020.

31 jirka ayaa ammaah ugu biiray Inter xagaagii hore laakiin waxa uu ka soo muuqday keliya 5 kulan sabab la xiriirta dhaawac.

Sida illaa iyo immika muuqata, Sanchez ayaa ku laaban doona Man United dhammaadka xilli cayaareedkan balse marka la eego The Telegraph, ciyaaryahanka reer Koonfur Ameerika ayaa sumcad fiican ka heysta ciyaaryahanada Inter Milan oo doonaya in uu sii joogo garoonka San Siro.

Weeraryahanka ayaa heysta inka badan labo sanno oo ka haray qandaraaskiisa Old Trafford oo uu ku qaato mushaar dhan £400,000 toddobaadkii.

Sanchez ayaa ku biiray United bishii Janaayo ee sannadkii 2018 kaddib markii uu wakhti wanaagsan ku qaatay kooxda Gunners.

About Mahad Mohamed

2 comments

  1. A somewhat underexplored technology for sodium removal in HF is through the peritoneal membrane cialis super active Typhimurium infection, as compared to Rictor deficient or LysM CRE WT cells Figure 5G and 5H

  2. It has been a great benefit to our sex life and my post menopausal vaginal dryness generic cialis from india

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan