Home / Macluumaad / Coca-Cola Norway oo u dabaal degtay bilashada Ramadaan

Coca-Cola Norway oo u dabaal degtay bilashada Ramadaan


Himilo FM –Shirkadda Coca-Cola Norway ayaa muujisay dabaal deg ku saabsan bisha Ramadaan iyadoo calaamadda bisha ku lartay mid kamid ah cabitaanada shirkadda.

Inkastoo xafiisyada Coca-Cola ee dalalka Islaamka laga sameeyo dabaal deg la xiriira Ramadaanka haddana waa markii ugu horreysay ee shirkadda ku dhaqaaqdo tallaabo ay ku muujinayso Ramadaanka gudaha dal Scandinavian ah.

“Waxaan dooneynaaa inaan muujino mowqifkeenna kala duwanaanta iyo sida ay muhiim ugu tahay bulshada,” ayuu yiri Johanna Kosanovic oo ah madaxa suuqgeynta shirkadda Coca-Cola Norway.

Nina Marianne Iversen oo katirsan Norwegian Business School ayaa sheegtay in tallaabada Coca-Cola Norway tahay mid cad oo muujinaysa in shirkadda dooneyso inay xiriir la sameyso Muslimiinta.

“Farriinta kale ayaa ah in shirkadda muujinayso mas’uuliyad la xiriirta wada noolaanshaha.”

Dood adag iyo dhaleeceyn ayaa ka dhalatay go’aanka Coca-Cola oo ay muujiyeen kooxaha neceb Islaamka iyo qaxootiga hase ahaatee dowladda Norway ayaa ammaantay tallaabada Coca-Cola oo loo arkay farriin taageeraysa wada noolaanshaha iyo kala duwanaanta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan