Home / Habka-Nolosha / Conte: “Iima soo carfayo hanashada horyaalka PL”

Conte: “Iima soo carfayo hanashada horyaalka PL”

Muqdisho – Macalinka kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa wali ku hal-adag inaysan usoo carfin hanashada horyaalnimada England PL, tiiyoo ay guul weyn ka gaareen kooxda Bournemouth.

Eden Hazard iyo Marcos Alonso ayaa laba gool ku darsaday goolkii uu iska dhaliyay Adam Smith taas oo u suura-galisay inay 3-1 ku suldaaraan.

In kasta oo ay toddobo dhibcood ka sarreeyaan kooxda kusoo xigta ee Tottenham – una dhiman tahay 7 kulan ciyaareed, macalinka reer Talyaani wuxuu sheegay inay wali shaqo adag u dhiman tahay.

“Iima soo carfayso hanashada horyaalka waayo waxaa inoo dhiman toddobo ciyaar,” ayuu yiri Conte. “Malihin jadwal fudud; waan ognahay.”

“Sidaas awgeed, guul-darradii aan kala kulannay Crystal Palace oo aan u qalmin, hadana waxaan si muuqata usoo kabsannay kulamadii xigay.”

“Ha hilmaamin xagaagii hore Tottemham waxay u dagaalantay hanashada horyaalka ilaa iyo dhamaadka taas oo ka dhigan inay yihiin koox fiican. Si lamid ahna xagaagii hore waxan ku jirnay booska 10aad, hadana booska koobaad.”

Kulankii ay Chelsea guul-darrida kala kulantay Palace bilowga bishan ayaa laga dheehday dabacsanaan, hayeeshe waxay u jilba-dhigteen inay xejistaan booskooda.

Conte ayaase diiday inuu tix-raaco filashooyinka ku hareersan kooxdiisa.

“Waan jeclahay cadaadiska. Waan la noolahay cadaadiska. Haddii aan arkin cadaadiska; anigaa cadaadiska raadiya,” ayuu yiri.

“Cadaadisku wuxuu soo saaraa sida ugu fiican ee la filasho.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan