Conte: “Lacagtu ma ahan wax kasta.”

Muqdisho – Macalinka kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa ciyaartoydiisa u sheegay in lacagtu wax kasta aysan noqon karin tiiyoo warar hoose ay isasoo tarayaan oo ku saabsan in Costa uu u duulayo dhinaca Shiinaha oo miiska loo saaray adduun lacageed gaaraya 30 malyuun.

Chelsea oo aan Costa kamid dhigin laacibiinta safka hore ee ciyaartii ay Liecester City ku suldaareen 3-0 ayuu macalin Conte hadalkan sheegay – isaga oo aan cidna carabaabin.

Warar ayaase tibaaxaya in muran hoose uu Costa kala dhaxeeyo macalin Conte iyada oo uu soo xaadirin xarunta tababarka kooxda. Waxaase xaaladda cirka kusii shareeray wakiilka Costa kadib markii uu fadhi la yeeshay ergo ka soctay naadiga Shiinaha ka dhisan.

Hayeeshe macalin Conte ayaa ku hal-adag in Costa uu kaliya ciyaarta uga maqnaa dhaawac fudud oo haleelay – isaga oo digniinna ah, kala doorashada sumcadda kooxda weyn ee Chelsea iyo adduunka Shiinaha looga gacan-haatinayo is-barbardhigaan, u diray ciyaartoydiisa.

Hadalka macalinka reer Italy ayaa kusoo aadaya xilli William isna lala xiriirinayo koox ka dhisan CSL kadib markii Chelsea kol hore iska iibisay Oscar iyo John Obi Micheal.

“Lacagtu ma ahan wax kasta,” ayuu Conte u sheegay warfidiyeenka.

“Markii aad u dheeleyso kooxda weyn sida Chelsea, waa inaad niyad ahaan qanacsanaataa.”

“Waxaan nahay koox fac weyn. Waana sharaf weyn qofkii noo ciyaara, sidaas darteed, uma arko caqabad inay ciyaartoydeenna ku tahay kooxda ka dhisan Shiinaha.”

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan