Home / Habka-Nolosha / Conte, “Ma ogi” In Sanchez uu kusoo biirayo Chelsea

Conte, “Ma ogi” In Sanchez uu kusoo biirayo Chelsea

Muqdisho – Sky Sports News, ayaa fahansan in Chelsea ay xiiso u qabto saxiixa Sanchez bishaan iyadoo dooneysa in  ay ku garaacdo Manchester United iyo Manchester City oo labaduba wada doonayey inkastoo lasoo wariyey in Man City ay iskaaga baxday doonista Xiddigan.

City ayaa soo gaba-gabeysay xiisaha ay uqabto Chilean-kan horraantii Isbuucaan sababtoo ah kharashka saxiixa 29 jirkaan ay ku doonayaan ayaa ka hooseeya kan ay ku dooneyso Arsenal, Conte ayaana sheegay inuusan u maleyneynin inay kooxdiisu lasoo saxiixan doonto laacibkan.

Markii la weydiiyay haddii Chelsea si firfircoon isku dayeyso inay la soo wareegto Sanchez, Conte ayaa yiri:  “Ma ogi, ma maleynayo sidaas, ma aqaano laakiin uma maleynayo sidaas.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan