Home / Habka-Nolosha / Conte: “United-ku way ku dhameysan karaan horyaalka booska afaraad.”

Conte: “United-ku way ku dhameysan karaan horyaalka booska afaraad.”

Muqdisho – Macalinka Chelsea, Antonio Conte ayaa rumeysan in Manchester United ay wali awood u leedahay inay horyaalka ku dhameysato booska afaraad.

Iyada oo wiilasha Conte ay u martin doonaan maalinta Axadda naadiga United-ka, kooxda Jose Mourinho ayaa ku jirta booska shanaad ee horyaalka. Hayeeshe halka ay afar dhibcood ka hooseeyaan kooxda booska afaraad ku jirta ee City, hadana waxaa wali u harsan hal kulan oo kooxaha kawada sarreeya oo dhan ciyaareen.

Conte ayaa diiday soo-jeedinno tilmaamayay in United-ka ay xoogga saareen ciyaaraha Europa League oo ay afar-dhamaadka kula balansan yihiin Anderlecht – isaga oo yiri inay afarta ugu sarreysa noqoto wali waa suura-gal.

“Waxaan filayaa in Manchester United ay heysato maangalnimada ah inay kamid noqon karto afarta ugu sarreysa horyaalka,” ayuu Conte u sheegay UK newspaper. “Hayeeshe waan hubaa laacibiinta United-ka way og yihiin xaaladdan. Wayna rabaan inay u dagaallamaan soo tiigsiga booska afaraad.”

Kulanka Man United la yeelanayso Chelsea ayaa uga dhigan bilow aan la saadaalin karin maadaama ay sidoo kale u harsan tahay kulamo ay la dheeli doonto kooxaha Arsenal, Man City iyo Tottenham.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan