Muqdisho – Macalinka Chelsea, Antonio Conte ayaa uga digay loolamayaashiisa EPL, in Manchester City aysan ku dhicin la saxiixashada laacibka Virgil van Dijk oo u ciyaara kooxda Southampton.
Tiiyoo xiiso weyn ay u muujinayaan kooxaha Arsenal iyo Liverpool, City ayaa ku niyad-weyn inay heshiiskiisa ku guuleysto bisha Janaayo ee sanadka cusub.
Macalinkii hore ee xulka Talyaaniga ayaa rumeysan in haddii Man City oo 17 kamid ah 18-kii kulan oo ay PL ka ciyaartay wada badisay uu Van Dijk kusoo biiro ay noqon doonto mid sii adag.
Van Dijk oo 26 jir waxaa laga reebay kulankii ugu danbeeyey oo kooxdiisu ay la yeelatay naadiga Chelsea.