Home / Habka-Nolosha / Costa oo albaabada u furaya ku biirista Atletico.

Costa oo albaabada u furaya ku biirista Atletico.

Muqdisho – Diego Costa ayaa iska diiday inuu ku biiro horyaalka Shiinaha Chinese Super League – hayeeshe wuxuu albaabada u furtay ku laabashada kooxda Atletico Madrid.

Macalinka Chelsea ayaa u sheegay laacibkan uu fasax yahay xagaaga soo aadan oo uu raadsan karo koox cusub.

Costa ayaa 20 gool u dhaliyay kooxda heysta horyaalnimada PL ee Chelsea xagaagii dhamaaday, wuxuuse ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Atletico Madrid.

“Atletico waa koox dareenkaygu la jiro had iyo jeer. Haddii aan ku biirin xitaa waxaan sii wadayaa inaan jeclaado.”

AC Milan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Costa – halka uu laacibkan iska diiday aragtida ah inuu ku biiro horyaalka Shiinaha.

“Dabcan waan ku gacan-seyray Shiinaha, waayo waxaan u warwarayaa booskayga koobka adduunka.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan