Home / Habka-Nolosha / Costa oo doorbidaya ku biirista Atletico baddalkii uu Chelsea u dhaqaaqi lahaa.

Costa oo doorbidaya ku biirista Atletico baddalkii uu Chelsea u dhaqaaqi lahaa.

Muqdisho – Diego Costa ayaa soo saaray warbixin isaga oo leh kuma laaban doono Chelsea – “Waxaan ku laaban doonaa Atletico Madrid”.

Costa ayaa hadda ku sugan waddanka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Brazil, wuxuuna iska fogeeyay in uu ku laaban doono kooxda magaalada London, wuxuu doonayaa in uu sii joogo halkiisa kadibna uu beeca xorta ah kaga tago Chelsea.

Waxaa la warinayaa in kooxda Blues aysan aqbali doonin midaas isla markaana ay doonayaan in laacibkan uu ku soo laabto tababarka kadibna uu isku soo sharraxo safka kooxda.

Kadib dhamaadka xagaagi hore oo kooxdu ay ku guuleysatay horyaalka, waxaa soo if baxay  is fahan waa’ ka dhex jira qolka labiska ee Blues, taas oo uu qeyb ka ahaa Diego Costa, macalinka kooxda Antonio Conte ayaana maalmihii fasaxa u sheegay Diego in uusan kamid aheyn qorshihiisa xilli ciyaareedkan.

Qareenka 28-jirkan, Ricardo Cardoso, ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay inay isaga iyo macmiilkiisa codsi u gudbin doonaan Chelsea kaas oo ah in la fasaxo.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan