Home / Habka-Nolosha / Costa: “Waxaan aadayaa Spain ama ku sugnaanayaa Chelsea.”

Costa: “Waxaan aadayaa Spain ama ku sugnaanayaa Chelsea.”

Muqdisho – Diego Costa ayaa xaqiijiyay go’aankiisa mustaqbalka Chelsea kadib guul-darradii ay kala kulmeen Arsenal – finaalkii FA Cup-ka, isaga oo qirtay inuu kaliya ka tegi doono Chelsea haddii macalin Conte uu go’aamiyo.

Xiddiga Spain ayaa dhaliyay goolkii kaliga ahaa oo ay 2-1 ku lumiyeen dhinaca Arsenal.

Jabkani wuxuu hoos u dhigay hankii Chelsea, in kasta oo kooxdu ku raaxaysaneyso horyaalnimada PL iyo xilli qurux badan oo ay soo qaateen.

Hayeeshe, xiddigan oo 21 gool u dhaliyay naadiga dhamaan kulamadii ay xagaagan ciyaartay ayaa diiday inuu xaqiijiyo haddii uu xagaaga soo aadan sii joogi doono naadiga iyo in kale.

“Wan ogahay Chelsea waxay rabtaa inay soo iibsato ciyaartoy, laakiin waan u sheegay in labo sano ay iiga harsan tahay heshiiskayga mana ka aadi doono meel maadaama ay ii baahan yihiin,” ayuu yiri. “Waxaan kaliya heshiis lagali doonaa koox kale oo Yurub ka dhisan, wayna og yihiin taas. Haddii kale waxaan dhameysan doonaa heshiiskayga inta iiga dhiman.”

“Waxaan heystaa heshiis, niyaddana kuma hayo tegitaan, hayeeshe haddii ay yimaadaan fursado la sameysto oo hoos u dhigi kara fursadaheyga, haddii macalinkaygu uusan in badan xisaabta igu darsan, waa marka aan ogahay in fursad la siiyay weeraryahan kale. Waana u jeedaa inaan tegayo. Hayeeshe kaliya aan aadayo meesha aan naawilayo.”

“Qof kasta wuu og yahay kooxdayda aan doorbido, majiraan wax la qariyo.”

“Haddii aan u dhaqaaqayo naadi ama dal kale oo aan Spain aheyn, waxaan doorbidayaa inaan kusii nagaado Chelsea.”

Costa ayaa amaanay bandhiggii Arsenal ay kala hortimid kaas oo u suura-galiyay in kaga guuleystaan finalka koobka FA Cup-ka.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan