Home / Habka-Nolosha / Coutinho: “Dhaawacaygu ma ahan mid culus.”

Coutinho: “Dhaawacaygu ma ahan mid culus.”

Muqdisho – Kubbad sameeyaha Liverpool, Philippe Coutinho ayaa ku niyadsan inuusan haleelin dhaawac culus kulankii ay guusha kala soo noqdeen Watford.

Xiddiga qaranka Brazil waxaa ciyaarta laga saaray daqiiqaddii 13aad ciyaar ka dhacaysay gegida Vicarage Road. Macalin Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray laacibka hayeeshe wuxuu xusay in dhibta ku dhacday aysan aad u silcin dooonin.

Coutinho wuxuu markaas kadib bartiisa rasmiga ah soo dhigay: “Waad ku mahadsan tihiin taageeradiinna. Ma ahan dhaawac culus.”

Guushii ay Liverpool kaga soo badisay 1-0 kooxda Watford ayaa ka dhigan inay sii adkeysaneyso booska saddexaad ee kala horreynta horyaalka – taas oo niyad fiican u yeeshay hankeeda ah ka qeyb-galka tartanka Champion League.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan