Home / Habka-Nolosha / Coutinho iyo Dembele oo ku dhow inay ku biiraan Barcelona.

Coutinho iyo Dembele oo ku dhow inay ku biiraan Barcelona.

Muqdisho – Blaugrana ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato labo ciyaaryahan oo diiradda u saarnaa tan iyo markii uu Neymar lacag dhan €222 milyan uu ugu wareegay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Barcelona waxa ay ku dhowdahay labo saxiix kuwaas oo kala ah Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele, sida uu sheegay maamulaha guud ee Sports-ka, Pep Segur.

Blaugrana ayaa qirtay in Coutinho, oo 25 jir ah iyo Dembele oo 20 jir ah ay yihiin bar-tilmaameedkeeda muhiimka ah iyaga oo doonaya inay buuxiyaan booska uu banneeyay Neymar.

Goal ayaa warisay Jimcihi in kooxda Liverpool ay go’aansatay in aysan ka laaban go’aankeedii ahaa in aysan iibsin Coutinho, halka  xiddiga heerka caalami ee reer Brazil uu codsaday in la iibiyo.

Liverpool ayaa diiday labo dalab oo kaga yimid Barcelona oo ku wajahnaa Coutinho— dalabkii ugu danbeeyay ayaana ahaa €100 million una dhigma (£91.6m).

Si kastaba, kadib markii uu ka hadlay guul-darradii Barcelona ee 5-1 celcelis ahaan labada lugba ay kaga badisay Real Madrid, Segura ayaa sheegay in labada xiddig ay ku dhow yihiin in ay yimaadaan Camp Nou.

Isaga oo lahadlayay RAC1 kulanka kadib, wuxuu yiri: “Coutinho iyo Dembele labadaba waan ku dhownahay, waxaa rajeynaynaa in ay xirtaan funaanadda Barcelona dhawaan.”

Saxaafadda ayaa wariyay Isniintii in Barcelona ay Borussia Dortmund kala heshiisay qiimaha xiddiga garabka ka ciyaara ee Dembele.

Dembele ayaana hadda kaga maqan ganaax kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund, waxaana macquul ah in uusan dib ugu laaban horyaalka Bundesliga, isla markaana uu u guuro Spain.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan