Home / Cayaaro / Coutinho “Kama qoomameynayo ka tagista garoonka Anfield.”

Coutinho “Kama qoomameynayo ka tagista garoonka Anfield.”

Himilo – Philippe Coutinho ayaa sheegay in aysan layaab ku aheyn in uu arko Liverpool oo duuleysa ama sameynaysa guulo waaweyn xilli cayaareedkan inkasta oo uu ku adkeystay in uusan ka qoomameynayn ka tagista Anfield.

Reds ayaa la filayay inay ku adkaan doonto helitaanka beddalka cayaaryahanka reer Brazil markii uu u dhaqaaqay Barcelona bishii Janaayo sannadkii 2018-ka kaddib afar sanno oo macno badan uu ka sameeyay horyaalka Ingiriiska.

Laacibka 27 jirka ah ayaa ku guuldareystay in uu boos ka xaqiijiyo shaxda koowaad ee Barcelona isaga oo heshiis ammaah ah lagu siiyay Bayern Munich oo si joogta ah ula wareegi karta dhammaadka xilli cayaareedkan.

“Liverpool way duuleysaa, layaab iguma aha, horay ayaan u aragnay sannadkii hore markii ay ku guuleysteen Champions League,” ayuu yiri Philippe Coutinho.

Waxa uu intaa raaciyay “Waan ku farraxsanahay, maxaa yeelay waxaan halkaasi ku leeyahay saaxiibbo badan.”

Bayern ayaa hadda hoggaamineysa horyaalka Bundesliga iyada oo isku diyaarinaysa kulanka wareegga 16-ka ay kaga hor imaanayso kooxda Chelsea bishan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan