Home / Habka-Nolosha / Covid-19 oo middeeyay walaalo kala maqnaa 50 sanno

Covid-19 oo middeeyay walaalo kala maqnaa 50 sanno

Himilo – Laba walaalo ah oo ku nool gobalka  Nebraska ee dalka Mareykanka kuwaasi oo midkoodba kan kale arag in ka badan 50 sanno ayaa dib u midoobay markii mid kamid ah labadooba uu kasoo kabsaday COVID-19 kaddib gargaar loo fidiyey.

Bev Boro, oo 53 sanno jir islamarkaanna la taliye dhinaca dawooyinka ka ah Dunklau Gardens ayaa sheegtay iyada oo raadineysa liiska bukaanada ay si dhaqsi ah ugu aqoonsatay magaca Doris Crippen oo ku jirta da’da 73 sanno, waxayna intaa ku dartay in walaasheed ay in sannado badan ay baadi goobeysay.

Crippen, ayaa ku jirtay isbitaalka Nebraska Medicine in ka badan bil ugu danbeyna ay kasoo kabatay COVID-19.

Crippen and Boro, oo ku kala duwan dhinaca hooyooyinka ama isku aabbe ah ayaan ku korin hal guri, waxaana Boro ay tahay qofka ugu yar ilamaha uu dhalay aabbaheed.

“Waxaan ahay qofka ugu farxadda badan caalamka” ayay Crippen u sheegtay Washington Post “Ma rumeysan karo, ugu danbeyn waxaan helay walaasheyda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan