Home / Macluumaad / Covid 19 oo Yurub baray nuuca dowladnimo iyo ilbaxnimada Turkida!

Covid 19 oo Yurub baray nuuca dowladnimo iyo ilbaxnimada Turkida!

Himilo – Xannuunka safmareenka ah ee Covid 19 oo ka soo billowday Shiinaha ayaa muddo kooban ku gaaray dalal badan oo caalamka ah. Marna xannuunka ma uusan kala soocin sabool iyo taajir, dalalka soo koraya iyo kuwa horumaray ee ku tallaabsaday tiknolojiyadda.

Marka la eego Yurub, xannuunka ayaa saameeyay dalal badan sida Talyaaniga oo uu galaaftay nolosha dad badan. Sida lawada ogyahay, Yurub, si ka duwan qaaradaha kale, waxaa astaan u ahayd midnimo iyo wadajir xilli kasta oo ay timaado xaalad adag, taasina waa midda keentay inay ku midoobaan ururka NATO laakiin markan ma muuqan wadajirkii dalalka qaaradda marka la fiiriyo isu gurmashada la xiriirta Covid 19.

Marnaanshaha xagga gurmadka Covid 19 oo ay baahi badan u qabeen dalalka uu si xun u saameeyay safmareenka ee Yurub sida Talyaaniga iyo inkale oo badan waxaa buuxisay dowladda Turkiga oo la rumeysan yahay inay maal-gelin badan gelisay adeeggeeda caafimaadka sannadihii danbe.

Arrinta layaabka leh, waa in Talyaaniga uu dalab gargaar ah ka codsaday dalalka saaxiibbadiisa Yurub. Si kasta, jawaabaha laga bixiyay waxay noqdeen kuwa yar, keliya Turkiga ayaa xilli hore ka jawaabay dalabka.

Adeegga caafimaadka Turkiga oo isbadallo badan lagu sameeyay 10-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa dalka ka caawiyay in uu gacan-gargaar caafimaad ah u fidiyo saaxiibbadiisa iyo kuwa kale. Si ka duwan, dalalka kale ee Yurub, Turkiga ayaa gargaar caafimaad gaarsiiyay Talyaaniga si loola tacaamulo xannuunka safmareenka ah.

Tallaabada Turkida ayaa laga fahmi karaa keliya hal ujeeddo oo ah in Covid 19, si lamid ah cudurradii hore, laga guuleysan karo balse xaaladda maanta lagu tilmaami karo tijaabo ku qotonta  saaxiibtinimada iyo iskaashi caalamiga ah.

Sababtan darteed, Ankara ayaa muujineysa ka go’naansho iyo inay garab taagan tahay xulafada NATO iyo dalalka kale ee caalamka iyada oo u direysa gargaar caafimaad oo muhiim ah. Tani waxay abuureysaa fursad lagu baabi’iyo been-abuurka laga baahiyay Turkida ee ka jira gobalka.

Qoraallo ka soo baxay NATO iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa lagu ammaanay gargaarka caafimaad ee Turkida iyo tilmaamta wanaagsan ee uu ka bixiyay xiriirkiisa saaxiibtinimada caalamiga ah.

Xoghayaha NATO, Jens Stoltenberg ayaa ammaan huwiyay Turkiga isaga oo yiri “ Wadajir loo beddalay ficil, Turkiga oo shixnad gargaar caafimaad ah u diray Talyaaniga iyo Spain si loogu kaashto dagaalka ka dhanka ah xannuunka, waan ku faaneynaa in xulafada NATO uu midba midka kale taageerayo.” 

Si lamid ah, ergada Talyaaniga ee NATO ayaa boggaadisay tallaabada Ankara iyada oo qoraal ku tiri “ si qotodheer ayaan ugu faaneynaa saaxiibbadeenna Turkida garab-istaagga ay noo muujiyeen.” 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khudbad uu jeediyay (14 April) waxa uu ku sheegay in Turkiga ay soo gaareen dalabaadka kaalmo ee ku dhawaad 90 dal. Isaga oo ka hadlayay inta ay ka jawaabeen illaa iyo immika ayuu yiri “ Illaa hadda, waxaan gargaar caafimaad gaarsiinay 34 dal, waan sii wadi doonaa taageerada dalalka maalmaha soo socda.” 

Tan iyo markii uu billowday Covid 19, Turkiga ayaa gargaar caafimaad ku taageeray dalal ay kamid yihiin Azerbaijan, Bosnia-Herzegovina, Bulgaria, China, Colombia, Georgia, Germany, Hungary, Indonesia, Iran, Italy, Kosovo, Lebanon, Libya, Montenegro, North Macedonia, Pakistan, Palestine, the Philippines, Poland, Qatar, Serbia, Somalia, Spain, Tunisia, U.K, U.S., Yemen, iyo Muslimiinta Rohingya.

Safiirka Ingiriiska ee Turkiga Dominick Chilcott ayaa muuqaal uu soo duubay oo la dhigay bogga Twitter-ka ku sheegay in Ingiriiiska uu mahad ballaaran u jeedinayo Turkida.

“ Waxaan halkan mahad ka soo go’day qalbiga uga jeedinayaa xulafadeenna iyo saaxiibkeenna Turkiga kaalmada deeqsinimada leh, waxaan uga adkaan doonaa Coronavirus tusaalayaasha iskaashiga caalamiga ah.”

Madaxweynaha Kosovo ayaa isna codkiisa ku biiriyay boggaadinta Turkiga uu ku muteystay sida uu uga jawaabay dalabaadka gargaar ee dalal badan oo uu si xun u saameyay xannuunka dilaaga ah ee Covid 19.

Marka laga yimaado casharka ugu weyn ee laga baran karo Coronavirus oo ah sida bini’aadamka uu daciif u yahay oo uusan isaga caabin karin ilmo-aragto yar haddana casharrada kale ee siyaasadda waxaa kamid noqonaya isu gurmashada heer caalami marka ay timaado dhibaato. Dal kasta waxaa hadda uu meel dhigtay saaxiib gaar ah, Turkiga ayaana u muuqda in uu kasbaday quluubta dad iyo dalal badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan