Home / Habka-Nolosha / Craig Shakespeare: ‘Mahrez wuu sii joogayaa Leicester’

Craig Shakespeare: ‘Mahrez wuu sii joogayaa Leicester’

Muqdisho – Macalinka kooxda Leicester City, Craig Shakespeare ayaa sheegay in Riyad Mehrez uu sii joogi doono naadiga.

Xiddiga xulka qaranka Algeria ayaa shaaciyay dhamaadka xagaagii lasoo dhaafay inuu doonayo ka tegista garoonka King Power – sanad kadib markii uu kula guuleystay horyaalka PL.

Arsenal ayaa lala filayay inay tahay halka ugu dhow oo uu ku biiri karo Mahrez, halka Chelsea ay iyaduna xiiso ballaaran u qabtay hanashadiisa.

Kooxda ka dhisan horyaalka Talyaaniga ee Roma ayaa sidoo kale aad ula dhacsanayd saxiixa laacibka, waliba usoo bandhigtay adduun dhan £32m.

Mahrez waxaa loo magacaabay laacibka sanadka ee horyaalka PL 2016. Wuxuu dhaliyay lix gool, isaga oo caawiyay saddex kale.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan