Home / Cayaaro / Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu daafac Barcelona ah kula midoobo Juventus

Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu daafac Barcelona ah kula midoobo Juventus

Himilo FM –Cristiano Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu xiiseynayo inuu  ku biiro  xiddiga reer Portugal Nelson Semedo  Juventus  xagaagan.

Labada nin ayaa ka caawiyay xulkooda inay ku guuleystaan UEFA Nations League oo ay 1-0 kaga badiyeen Holland habeenkii Axadda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Ronaldo uu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan joogta ah oo ka garab ciyaara Semedo, kaasoo labadii sanno ee ugu danbeysay ku qaatay Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, 34 jirkan ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Serie A daafaca middig billaha soo socda.

Laacibka kale ee ay isku xulka yihiin ee Joao Cancelo ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda ka dhisan Turin.

Warbixinta ayaa sheegaysa in kooxaha sida Manchester United, Arsenal, Atletico Madrid iyo Inter Milan inay  xiiseynayaan 25 jirkan daafaca middig ee Joao Cancelo.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku iibineyso keliya Semedo haddii ay helayaan dalab   50m oo Euro oo u dhiganta £ 44.46m oo Ganni.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan