Home / Habka-Nolosha / Cristiano Ronaldo oo indhaha ku haya in uu u dhaqaaqo Chelsea

Cristiano Ronaldo oo indhaha ku haya in uu u dhaqaaqo Chelsea

Muqdisho – Weerar-yahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa eegaya suurta gal-nimda uu ugu dhaqaaqi karo kooxda heysata horyaalka Ingriiska ee Chelsea marka uu dib u furmo xagaaga, sida ay warineyso The Sun.

Ronaldo ayaa indhaha ku haya in uu ka tago garoonka Santiago Bernabeu kadib sanadkan, isagoo u dhaqaaqi kara koox ay wada xafiiltamaan naadigii uu horay ugu soo ciyaaray  Premier League ee Man Utd.

Si kastaba ha ahaatee, Alexis Sanchez ayaa u dhaqaaqay Manchester United, arinkaas ayaana waxa uu meesha ka saaray inuu ku laabanayo Old Trafford.

Sidaas daraaded Chelsea ayaa dooneysa in ay ka faa’iideysato arintaas isla-markaana ay kabtanka Portugal kazoo dajiso Stamford Bridge.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan